786 Views

Mareykanka oo shaaciyay in Kenya ay u soo dirayaan ciidamo la dirira Alshabaab

Mareykanka oo shaaciyay in Kenya ay u soo dirayaan ciidamo la dirira Alshabaab
____________________________________________________________________________

Axad, 13 Juun [Qaranimo Online] Sida uu qoray Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi, Madaxweynaha Mareykanka Joe Bieden ayaa shaaciyay inuu dalkiisa Kenya u soo dirayo ciidamo ka qeybgala dagaalka Dowladda Kenya ay kula jirto Alshabaab.
Arrintan ayaa ka dambeysay xiriirka qadka taleefanka ku dhexmaray Uhuru Kenyatta & Joe Bieden oo ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Geeska Afrika.


Ciidamada uu Maraykanku soo dirayo oo aan cadadkooda la shaacin waxay ka barbar dagaalamayaan kuwa Kenya.

Qoraalka Maraykan ka soo baxay waxaa lagu xusay in Alshabaab qatar ku tahay ammaanka Gobolka, weerarada gudaha Kenya ay ka gaysatana ay ku gumaado shacab Kenyaan ah, waxeyna ciidamada Mareykanka ku garab siin doonaan kuwa Kenya howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Alshabaab ayaa mar sii horreysay Kenya u soo jeedisay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasina ay tahay sida keliya ee ay weerarada ku joojin karaan.


2 Toddobaad ayaa laga joogaa markii ay ciidamada Kenya duqeymo ba’an ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, halkaas oo waxyeelo culusi ka soo gaartay dad shacab u badnaa

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post