1131 Views

Trump oo dib u dhigay qorsho ka dhan ah dad ay Soomaali ku jiraan

Trump oo dib u dhigay qorsho ka dhan ah dad ay Soomaali ku jiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Madaxweynahad dalka Mareykanka Donald Trum ayaa dib waxa uu u dhigay qorsho Cusub oo lagu musaafurin lahaa dadka soo galootiga ah ee ku nool dalkaas gaar ahaan kuwa sida Sharci darrada ah ku jooga dalka Mareykanka.

Go’aankaan musaafuris ah oo soo baxay  Maalin ka hor ayaa Madaxweyne Trump uu sheegay in mudo laba todobaad ah uu dib u dhigay qorshahaas musaafuriska ah,isaga oo sababta ku sheeegay in uu aqbalay codsi uga yimid mudanayaasha Xisbiga Dimuqraadiga.

Maanta oo axad ah ayuu bilaaban lahaa howlgallada ay ciidamada Amniga ku beegsan lahaayeen dadka sida Sharci darrada ah ku jooga dalka Mareykanka,waxaana dadkaasi ku jira dad Soomaali ah,hayeeshee Madaxweyne Trump uu dib u dhigay laba Todobaad.

Dad badan oo Soomaali ay qeyb ka tahay ayaa aad uga naxay Go’aanka maalin ka hor kasoo baxay Xafiiska Madaxwenaha Mareykanka,wallow laba todobaad uu dib u dhigay,balse aan weli la ogaan Karin Go’aanka kale ee uu qaadan karo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment