885 Views

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika oo ka digay in wada hadalka Itoobiya uu fashilmi karo

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika oo ka digay in wada hadalka Itoobiya uu fashilmi karo
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

 Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in wada hadal aan nabad looga dhalin karin Itoobiya inta uu dagaalku sii xoogaysanayo.

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal.

Dagaalyahannada Tigreega ayaa sheegay in aan wax gorgortan ah la geli karin dowladda ilaa maamulka federaalku uu ogolaado in gargaar la gaarsiiyo gobalka Tigray.

Addis Ababa ayaa sheegtay in ay tahay in qoomiyada Tigreegu ay garwaaqsadaan sharcinimada dowladda ayna ka baxaan gobollada Axmaarada iyo Canfarta

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post