261 Views

Xaaladda degaanka Bacda oo xalay dagaal qaraar ku dhexmaray Dagaalamayasha Al-Shabaab iyo Ciidamo Macawiisleey ah oo Dagan

Xaaladda degaanka Bacda oo xalay dagaal qaraar ku dhexmaray Dagaalamayasha Al-Shabaab iyo Ciidamo Macawiisleey ah oo Dagan
____________________________________________________________________________

Isniin: June 13, 2022

Waxaa saaka degan Xaaladda degaanka Bacda oo xalay dagaal qaraar ku dhexmaray Dagaalamayasha Al-Shabaab iyo Ciidamo Macawiisleey ah, waxaana Saraakiisha ciidanka Macawiisleeyda oo soo bandhigay Hub ay sheegeen in ay lahaayeen ama ay ka furteen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Sargaal lagu magacaabo Xasan Faarax oo hoggaaminayay weerarkii xalay lagu qaaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacda ee hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan ayA sheegay in ay Dagaalamayasha Al-Shabaab ka furteen Qoryo kaddib dagaal qaraar oo deegaankaasi ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in ay hayaan Hubkaan kuna raadjoogaan dhaawa saraakil ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalana ay sidii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Majiraan Dhanka kooxda Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dagaalka ka dhacay degaanka Bacda oo ku dhaxeeyay Iyaga iyo Ciidamo dadka degaanka ah.

Ciidamada Macawiisleeyda ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka  bilaabay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu abaabulayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor, Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post