1221 Views

Ciidamada Puntland oo dagaal kula wareegay degaano dhowr ah

Ciidamada Puntland oo dagaal kula wareegay degaano dhowr ah
____________________________________________________________________________

Ciidamada kala duwan ee katirsan kuwa difaaca

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Degaannada ay  Ciidamada Puntland ku qaadeen duqeymaha iyo weeraro toos ah ayaa kala ah dhulka buureleyda ah ee Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee silsiladda Golis gaar ahaanna Galgala, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

Saraakiil katirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen difaacyo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgalkooda uu noqday mid guuleystay.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in dagaalkii ay la galeen Ururka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan welina ay dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Ammaanka Puntland ay howlgallo qorsheysan ku tageen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari, halkaasnoo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab walow markii dambe ay dib uga baxeen

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post