1242 Views

Ciidamada Puntland oo xiray Wariye ka tirsan Idaacadda Daljir

Ciidamada Puntland oo xiray Wariye ka tirsan Idaacadda Daljir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 17 2019 —Ciidamada Booliska Puntland ayaa Goordhow waxaa xabsiga Boosaaso u taxaabeen Wariye Xasan Heykal oo kamid ah hawl wadeenada Idaacadda Daljir xarunteeda magaalada Boosaaso.

 

Ciidamada ayaa saldhiga uga yeeray Agaasimaha Daljir Boosaaso Maxamuud Cabdi Ibraahim iyo Xasan Heykal iyagoo markii ay tageen xarunta Saldhiga dhexe xabsiga la dhigay Wariye Heykal.

 

 

“Wariye Xasan Heykal way xireen markaan iyagoo i dhahay Waaran baa u jaran isaga iyo Tallman balse waxay ii diideen inay i tusaan warqada amarka lagu xirayo sidoo kale waxaan iri anaa maamulkiisa ah shaqana u diray ee sii daaya lkn way iga diideen.” Ayuu yiri Maxamuud Cabdi Ibraahim.

 

Xariga wariye Heykal ayaa ah mid sharci darro ah maadaama dastuurka iyo xeerarka Puntland ogolayn in la xiro muwaadin aan denbi faraha kula jirin sidoo kale aan laga cabsi qabin inuu dalka ka baxsado.

 

Radio Daljir waxay cambaaraynaysaa xariga sharci daradda ah iy cagajuglaynta joogtada ah ee la doonayo in lagu aamusiiyo warbaahinta xorta ah iyo qarinta xaqiiqooyinka ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay howl-Wadeena Radio Daljir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment