912 Views

DFS oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf

DFS oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

 War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen Saldhig Ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan lagu gaarsiiyay Ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu tilmaamay weerarkaas mid fool xun, waxaana ay tacsi la wadaagtay tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Sidoo kale, Wasaaradda waxay  beesha caalamka u dirtay codsi ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee dagaalka adag kula jira Ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa isna dhankiisa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkaan, isagoo tilmaamay in aysan ‘weerarkan foosha xun hoos u dhigi doonin go’aannada ciidamada ATMIS ee dagaalka kula jira Kooxaha argagixisada ayna sii wadi doonaan howlgaladooda ka dhanka ah.

Marka laga soo tago War-saxaafadeedyada kasoo kala baxay dowladda Soomaaliya & Midowga Afrika Al-shabaab dhankooda waxaa ay sheegeen in guud ahaan Saldhigii Ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf ay ka wareegeen saacado, Iyagoo inay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post