1137 Views

Sawirro:-Sheekh Shariif Oo Maanta La Kulmay Safiirka Mareykanka Ee Somalia

Sawirro:-Sheekh Shariif Oo Maanta La Kulmay Safiirka Mareykanka Ee Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 30, 2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka uu Sheekh Shariif la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsa Xisbiga Hilimo Qaran,waxaana uu ka dhacay Xarunta Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Xerada Xalane.

Warar ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen arrimaha Amniga, Doorashooyinka,nidaamka xisbiyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran Sheekh Shariif ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo kala duwan,waxaana xalay uu la kulmay Guddoomiyeyaasha labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya,isagoona ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka iyo Siyaasada dowladda.

 

 

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment