984 Views

Ciidamo Hubeysan oo Xoog ku galay xarunta Idaacadda Mustaqbal Qalabkiina bur buriyay.

Ciidamo Hubeysan oo Xoog ku galay    xarunta Idaacadda Mustaqbal Qalabkiina bur buriyay.
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Wararka ka imaanaya saakay Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saakay arroortii galeen  xarunta Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah kuwa  maxaliga ah ee ku yaala Muqdisho.

Ciidankaan oo ku Hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay xoog ku galeen Idaacadaas. Ayna qaateen dhamaan qalabkii idaacada iyo qaar ka mid ah qeybta muuqaalada.

ciidankaan ayaa jirdil iyo handadaad u geestay qaar ka mid ah shaqaalaha idaacadda, sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qaateen qalabkii yaalay xarunta, islamarkaana ay burburiyeen.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay agaasimaha in ciidamada ay jir dil u geysteen Weriye Bashiir Maxamuud Yuusuf(BK).

Dowlada waqtigeeda dhamaaday ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waxay Culeeska saaraysay sidii ay u aamusin lahayd Warbaahinta madax banaan


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post