534 Views

Jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la meel-mariyey

Jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la meel-mariyey
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare kadib kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 20-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamanka ayaa imaneysa ayada oo weli aysan soo dhammaan doorashada Glaha Shacabka, waxaana jira kuraas ku dhow 20 oo ku harsan HirShabeelle iyo Jubaland

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post