438 Views

Dowladda Ingiriiska oo dalka Ukraine u dirtay gantaallada ridada gaaban ee lidka taangiyada si ay isu difaacdo

Dowladda Ingiriiska oo  dalka Ukraine u dirtay gantaallada ridada gaaban ee lidka taangiyada si ay isu difaacdo
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

Dowladda Ingiriiska, ayaa siineysa dalka Ukraine gantaallada ridada gaaban ee lidka taangiyada, si ay isu difaacdo.

Tallaabadani ayaa timid kadib markii Ruushku uu kusoo ururiyey ku dhawaad 100,000 oo askari, goobta ku taalla soodhinta u dhaxeysa labadda dal ee Ruushka iyo Ukraine, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga Ingiriiska.

Ben Wallace ayaa intaa ku darey inuu ku war galiyey xildhibaano dhawr ah oo katirsan baarlamaanka Ingiriiska, iney ciidamo kooban oo Ingiriis ah iney u diri doonaan Ukraine, si ay ugu tababaraan ciidamo dalkani.

Wuxuu xusay wasiirka iney jiraan sababo sharci ah, oo ciidamada Ruushka looggu qaadi karo weeraro.

Ruushku wuu iska fogeeyey qorshe kasta oo duullaan ah, isagoo dhanka kale ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka gardarro iyo daandaansi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post