954 Views

Dowladda Sacuudi Carabiya oo taageero u muujisay madaxweynaha Tunisia

Dowladda Sacuudi Carabiya oo  taageero u muujisay madaxweynaha Tunisia
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 28 2021

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa taageero u muujisay madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied oo dhowaan qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo dadka qaar ay ku macneeyeen afgambi.

Madaxweyne Kais Saied ayaa eryay xukuumaddii, kala diray baarlamaankii isaga oo taageero ka helaya ciidamada.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Tunisa, waxayna ugu baaqaday beesha caalamka inay garab istaagaan midnimada dalkaas, oo ay ixtiraamaan madax-banaanida dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post