759 Views

Ninka 12 jeer ka baxsaday xabsiga ee dadka badan ka yaabiyay

Ninka 12 jeer ka baxsaday xabsiga ee dadka badan ka yaabiyay
____________________________________________________________________________


June 5 2021

Dadweynaha dalka Senegal ayaa aad u hadal haya nin marar badan oo is xig xigay ka baxsasday xabsiyo ku yaalla dalkaas, wuxuu sheegay in 12 jeer uu ka baxsaday xabsi.

Warbaahinta Senegal ayaa tabineysay qaabka uu uga baxsaday xabsi bishii May.

Ninkan oo lagu magacaabo Baye Modou Fall wuxuu sheegay in dumiyay qeybo kamid ah xabsiga isla markaana uu ka booday gidaarka isaga oo adeegsanaya xarig.

Wuxuu intaas ku daray in muddo 9 sano ah uu sugayay in caddaalad helo balse qareenada qaar ayaa dacwaddiisa ku tilmaamay inay muujineyso baahida loo qabo in wax laga baddalo nidaamka caddaaladda ee Senegal.

Waa kuma Baye Modou Fall?

Ninka oo 32 jir ah wuxuu isku sheegaa in uu yahay ganacsade isla markaana hantida uu heysato uu ka dhexlay aabihii.

Waxaa marar badan la dhigay xabsi, waxaa la geeyay xabsi lagu xiro dadka aan qaangaarka aheyn, waxaa inta badan loo heystay falal la xiriira dhac.

Wuxuu ku adkeystay in wax rabshado uusan geysan oo uusan adeegsan wax hub ah.

Weligii ma uusan dhigan iskuul balse wuxuu wax ka dhigtay dugsi Qur’aan ka hor inta uusan cilmiga kombiitaarka ka baran dhowr meel.

Waxaa markii ugu horreysay lagu xiray magaaladii uu kasoo jeeday oo 160 kiiloomiitar u jirta caasimadda Dakar.

Wuxuu markii ugu horreysay ka baxsaday xabsi lagu xiro dadka aan qaangaarka aheyn oo ku yaalla Diourbel.

Wuxuu ahaa nin la doon doonayay, sanadkii 2016 waxaa u suurogashay in uu u cararo dhinaca dalka Gambia.

Waxaana lagu xiray Gambia balse dowladdaas ayaa diiday inay u gacan geliso Senegal.

Muddo shan bilood kadib uu ku xirnaa Gambia, waxaa mar kale lagu qabtay xadka Senegal ay la wadaagto Guinea.

Afar sano kadib, waxaa lagu eedeeyay dambi ah uu dhac geysanayay bishii Nofembar 2020.

Wuxuu sugayay in la dhageysto kiiskiisa isaga oo loo heysto dacwado kala duwan xilli toddobaadkii lasoo dhaafay uu ka baxsaday xabsiga.

Mas’uuliyiinta Senegal ma aysan xaqiijin in Baye Modou Fall uu 12 jeer ka baxsaday xabsi balse qareenkiisii hore Abdoulaye Babou ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 10 jeer uu ka baxsaday xabsi.

‘Wiilka leh awoodda ruuxiga ‘

 

Dalka Senegal waxaa looga yaqaana Boy Djinné oo micnihiisu yahay wiilkii awoodda ruuxiga lahaa balse qareen horey uga doodi jiray ayaa rumeysan in hadalkaas uusan ka turjumeyn xaaladda dhabta ah ee wiilka.

“Warbaahinta ayaa ka dhigtay nin awood leh, ma lahan wax awood qarsoodi ah”

Wuxuu intaas ku daray qareenkiisii hore, ” waa nin caato ah oo gaaban oo weliba aad u xishood badan, ma ahan tuug, weligii ma uusan dilin qof” ayuu yiri Abdoulaye Babou oo muddo 10 sano ah difaacayay Baye Modou Fall.

Markii ugu dambeysay ee uu xabsiga kasoo baxsaday, wuxuu telefishin laga leeyahya Senegal u sheegay in sababta uu baxsaday ay tahay in muddo dheer uu sugayay in la dhageysto kiiskiisa sidaas darteedna uu 9 sano xabsiga ku jiray isaga oo sugayay caddaalad.

Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin cid ka caawisay in uu kasoo baxsado xabsiga.

Taliyaha booliska ee gobolka uu ku yaalla xabsiga ayaa ku dooday in xabsiga si weyn amnigiisa loo adkeeya sidaas darteedna ay jiraan dad ka caawiyay arrintaas.

Wuxuu intaas ku daray inay bilaabeen baaritaanno ku aadan qaabka uu ninka xabsiga uga soo baxsaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post