702 Views

Muhaajiriintii ugu badnayd oo gaaray xuduuda Maraykanka ee Mexico

Muhaajiriintii ugu badnayd oo gaaray xuduuda Maraykanka ee Mexico
____________________________________________________________________________


 

Talaado: April 19, 2022

Muhaajiriinta u soo tahriibaya dalka Maraykanka ee ka soo gelaya xadka dalka Mexico ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo labaatan sano ah.

Dowladda Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay xadka soo gaadhaan tiro intaas ka sii badan, iyada oo la filayo in la qaado amar dhinaca socdaalka ah oo la soo rogay xilligii uu sida aadka ah u faafayey xanuunka COVID19, kaas oo dib u celinayey muhaajiriinta iyo kuwa magangelyo doonka.

Masuuliyiinta hay’adda Socdaalka ee Maraykanka ayaa sheegay in bishii March oo keliya in illaa 221,303 oo jeer la joojiyey muhaajiriin ka soo tallaabaya xadka Koonfur Galbeed ee Maraykanka, taasoo ka dhigan inuu jiro korodh gaadhaya illaa 34% marka la barbardhigo bishii February, sida ku cad xog ay hay’adda ilaalada xuduudaha Maraykanku u gudbisay maxkamad ku taalla gobolka Texas.

Tirade muhaajiriinta ayaa bilba bisha ka dambaysay sii kordhayey tan iyo markii uu xafiiska qabtay madaxweyne Biden, waxaana arrintani keentay in kooxaha kasoo horjeeda maamulka Biden inay u adeegsadaan caddaymo ku saabsan inaan madaxweyne Biden masuuliyad badan iska saarin ammaanka xuduudda.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post