1134 Views

Xildhibaanada degmada Hargeysa oo saaka u doortay maayar Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge

Xildhibaanada  degmada Hargeysa oo  saaka u doortay maayar Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge
____________________________________________________________________________

.

June 17 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in goor dhawayd Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ay doortay maayar cusub, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Golaha wakiilada ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani.

Mooge ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Sidoo kale Doorashada ayaa aheyd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post