2115 Views

RUQIYO: Farmaajo & Khayre ka hor, Soomaaliya waxay la mid ahayd; markab badwaynta ku quusay oo ay cid walba faganayso, waxay soo celiyaan qabkeenii…[WAREYSI]

RUQIYO: Farmaajo & Khayre ka hor, Soomaaliya waxay la mid ahayd; markab badwaynta ku quusay oo ay cid walba faganayso, waxay soo celiyaan qabkeenii…[WAREYSI]
____________________________________________________________________________

Axad, May 10 [Qaranimo Online]   Ruqiyo C/qaadir Maxamed waa aqoonyahanad safka hore kaga jirta gabdhaha ugu firfircoon Jaaliyada Soomaalida dalka Jarmalka.

Wareysi ay siisay Ruqiyo mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, xilli ay ku sugnayd Magaalada Mönchengladbach ee dalka Jarmalka, waxay ka hadashay arrimo dhowr ah, iyada oo tilmaantay in rajo wanaagsan ay ka qabto soo kabashada dowladnimadda Soomaaliya; Sidoo kale, waxay intaa ku dartay in Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka ay caan ku yihiin dal iyo dad jacayl, ayna si buuxda u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Ruqiyo waxaa kale oo ay sheegtay in hogaanka sare ee dowladda sida ay dadkooda ugu khidmeeyaan ay ugu xirnaan doonto baalka ay taariikhda ka geli doonaan.

“Taariikhdu ama qalinku marna been ma qori karo, qof kasta ee dalkan wax ka soo noqday marka waqtigiisu dhammaado waxa lagu xasuusanayaa “Legacy” uu ka tegay, kii dalka ka shaqeystay iyo kii u shaqeeyey isku mid ma noqon karaan” Ayeey tiri Ruqiyo, waxaanna ay intaasi raacisay in marka loo eego marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray in aysan suurtagal noqon karo in 3 sanno iyo 5 sanno in wax waliba caadigoodii ay ku soo laabtaan.

“Roma, maalin laguma dhisin” Soomaali qaran-jabkii ku dhacay ma ahayn oo kaliya dowladnimadii iyo kaabayaashii dhaqaalaha oo innaga burburay, waxaa uu dhaawac wayni soo gaaray damiirkii dadka Soomaalida, oo waxaan kala garan waynay qabiilkii iyo qarankii, jiilka cusub waxay u baahan yihiin “Orientation” si ay u fahmaan in Qaranku yahay wax la wada leeyahay oo ay tahay in qof kastaba uu qodiisa ka ilaaliyo” Ayeey tiri Ruqiyo Cabduqaadir iyada oo ku ammaantay Madaxwayne Farmaajo inuu kaga duwan yahay madaxdii hore isaga oo ah qof niyad wanaagsan, waddani ah, isla markaana jecel in lagu xasuusto inuu ahaa shaqsigii dalkan ku soo celiyey sharaftii iyo qiyamkii uu lahaa.

Ruqiyo, waxay ku ammaantay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Xassan Cali Khayre in ay qaadeen dariiq ka duwan madaxdii hore, ayna la yimaadeen waxqabad dhab ah.

“Waxaan soo joognay iyada oo madaxdeena loogu yeero Addis ababa iyo Nairobi, ayna faragelin ba’an innagu hayaan Gabre iyo kuwa la midka ah; Gabre muuqaalkiisa waxaa inoogu dambeysay maalintii Farmaajo la doortay. Maanta halka aan joogno waad aragtaan, oo cid innagu soo xadgudbi kartaa ma jirto, daadufeynta ay innagu hayaan cadowga shisheeyaha ahi waxaa ka darran kuwa ay innagu hayaan kuwa muuqaalka Soomaali ka ah, shisheeyaha na kabaha u qaada” Ayeey tiri Ruqiyo, waxaanna ay u soo jeedisay madaxweynaha iyo raysul wasaaraha in dowladoodu ogolaato xorriyadda hadalka iyo madax-banaanida saxaafadda, isla markaanna la dhageysto dadka dowladda ka fikir duwan, oo aan la colaysan.

 

Ruqiyo, iyada oo ka jawaabaysa su’aal la waydiiyay oo ahayd waxqabadka ay la dhacsan tahay ee dowladda madaxweynaha Farmaajo lagu amaani karo waxa ay ku jawaabtay:

“Marka aad si cilmi ah u qiimeyso halkii la joogay 3 sanno iyo bar ka hor iyo shaqooyinka la qabtay iyo kuwa gacanta lagu hayo waa xaqiiq in ay rajo ku galayso; waxyaabaha lagu ammaani karo Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre waxaa ka mid ah: 1) dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo nuuc waliba leh, oo wax wayn ka taray ammaanka iyo soo afjarida kooxaha sharwadayaasha ah. 2) Mishaarkii ciidamada iyo shaqaalaha rayidka dowladda oo aan hal bil aysan waayin taas oo qayb wayn ka qaadanaysa niyada ciidamada. 3) Waxaa jira guulo laga gaaray ka hortaga iyo xalinta khilaafaadka.4) Xittaa hay’adihii caalamiga ahaa ayaa waxay qiranayaan in dowladdu ku guuleysatay dajinta qorshe dib u habayn oo xoog leh, oo ku tiirsan wada shaqayn xoogan oo u dhexeeysa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre”

 

Wixii fikirkaaga ah waxaad ugu hagaajin kartaa Ruqiyo E-mail: r.abdulkadirmoh@hotmail.com

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment