801 Views

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo cambaareeyay weeraro xiriir ah oo ay ku dhinteen 150 qof

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo cambaareeyay weeraro xiriir ah oo ay ku dhinteen 150 qof
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

 Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa cambaareeyay weeraro xiriir ah oo ay ku dhinteen in ka badan 150 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Plateau ee dhaca bartamaha Nigeria.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay geystaan kooxaha burcadda ah ee afduubka iyo dilalka ka geysta waqooyiga dalka Nigeria.

Waxa uu sheegay in dambiilayaasha aysan wax naxariis ah helin. Inta badan dadka dhintay ayaa lagu aasay xabaal wadareedyo iyadoo wali ay socdaan baadi goobka meydadka dad badan oo ku jira duurka ku dhow tuulooyinka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay ayaa la toogtay xilli ay isku dayeen in ay baxsadaan. Dowladda Nigeria ayaa wajaheysa dhaleeceyn isa soo tareysa oo ku aadan in ay joojin weyday weerarada ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee dilalka iyo afduubka ka geysanaya waqooyiga Nigeria

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post