846 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha UK Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo  London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha UK   Johnson
____________________________________________________________________________

Jimco: july 30 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay Boris Johnson ka wada hadleen amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

Wuxuuna sii raaciyay “Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post