1200 Views

Cabdulcasiis Butafliiqa: Taariikhda hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Aljeeriya ee geeriyooday

Cabdulcasiis Butafliiqa: Taariikhda hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Aljeeriya ee geeriyooday
____________________________________________________________________________

Axad: September 19, 202

Cabdulcasiis Butafliiqa ayaa muddo 60 sano ah ku jiray siyaasadda Aljeeriya, isagoo heerar kale duwan ka gaaray.

Waxaa lagu xusuustaa inuu yahay hogaamiyaha ugu mudada dheeraa, isagoo madaxweyne ka ahaa dalkaas 1999 ilaa 2019.

2-dii March 1937 ayuu ku dhashay Oujda oo hadda ka tirsan Morocco, waxaana isagoo da’ yar lagu bartay xikmad iyo karti.

Sanadihii u dhiganayay dugsiga sare ayaa waalidkiisa waxaa u yeeray boqortooyada Morocco, waxaana loogu hambalyeeyay natiijada kheyru caadiga ah ee uu imtixaanka ka keenay.

Isagoo 19 jir ah ayuu ku biiray jabhadii ALN ee u dagaallamaysay in Aljeeriya ay xornimadeeda ka qaadato Faransiiska.

Xikmaddiisa iyo cod karnimadiisa ayaa u sahashay inu darajo weyn ka gaaro jabhadda, waxaana uu ahaa xoghayaha guud ilaa inta uu dalkaas ka qaatay madaxbannaanida 1962.

Sanadkii 1963, Butafliiqa ayaa noqday ninkii ugu da’da yaraa ee caalamka ka qabta xilka wasiirka arrimaha dibedda, rikoorkaas oo aan weli la jebin.

Muddo 16 sano ah oo uu ahaa wasiirka arrimaha dibedda, ayaa Butafliiqa waxa uu soo dhaweystay dalalka Afrikaanka ah ee xilliyadaas qaatay madaxbannaanida.

Sanadihii lixdamaadkii iyo todobaatameeyadii, Aljeeriya ayaa gabbaad u noqotay shakhsiyaad badan oo u dagaallamayay xornimada waddamadooda, waxaana kamid ah Che Guevara iyo Nelson Mandela.

Sanadkii 1974, Butafliiqa ayaa loo doortay guddoonka Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay, waxaana uu markii ugu horreysay minbarka golaha ku martiqaaday hogaamiyihii Falastiiniyiinta, Yaasir Carafaat oo khudbad taariikhi ah halkaa ka jeediyay.

Kadib markii uu madaxweynihii xilligaas, Huwaari Buumadyan, geeriyooday sanadkii 1978, ayaa Butafliiqa waxa uu galay go’doon siyaasadeed, waxaanaa sanadihii xigay uu ahaa dibed joog ku nool Galbeedka Yurub iyo Khaliijka Carabta.

Xilliyadaas, waxaa Butafliiqa lagu eedeeyay inuu lacag ka lunsaday wasaaradda arrimaha dibedda ee Aljeeriya.

Hase yeeshee dabayaqaadii sideetamaadkii ayaa Aljeeriya waxaa ka bilowday kacdoon shacab oo ka dhan ah shaqo la’aanta iyo musuq maasuqa.

Madaxweynihii saddexaad, Chadli Bendjedid, ayaa dibedbaxyada uga jawaabay inuu dhiso nimaadka xisbiyada badan. Balse markii uu xisbiga Islaamiga ah ee FIS guul ballaaran ka soo hoyay doorashadii baarlamaaniga, ayaa waxaa xukunka la wareegay milateriga, taasoo horseeday dagaal sokeeye.

Milateriga uu ku fashilmay dagaalka ayaa ugu baaqay Butafliiqa inuu la wareego xukunka 1999. Muddo bilo gudahood ah, Butafliiqa ayaa ku guulaystay dib u heshiin buuxda.

Sanadkii 2004 ayuu mar labaad ku guulaystay xilka. 2008 ayuu isbedal ku sameeyay dastuurka isagoo meesha ka saaray in madaxweynaha uu laba jeer oo keliya xafiiska u tartami karo.

Markii uu bilowday kacdoonkii Carabta, Butafliiqa ayaa kordhiyay kabka ay dowladda siiso shacabka Aljeeriya, waxaana uu meesha ka saaray xaaladda degdega ah ee uu dalka ku xukumayay.

Sanadkii 2013, Butafliiqa ayaa waxaa ku dhacay xanuunka faaligga oo wax badan u dhimay dhaq-dhaqaaqa jirkiisa.

Markii ugu dambeysay ee lagu arko goob fagaaro ah ayaa ahayd 2017, xilligaas oo uu xariga ka jaray xarun tareen iyo masjid dayactir lagu sameeyay oo ku yaal caasimadda Aljeris.

Inkastoo uu wajahayay xaaladdaas caafimaad darro, ayaa haddana February 2019 waxa ay kooxdiisa ololaha shaacisay inuu mar shanaad u tartamayo xilka. Xilligaas waxa uu ahaa 81 jir.

Arrintaas ayaa dhaliyay dibedbaxyo ballaaran oo noocooda aan horay looga arag Aljeeriya.

Shacabka ayaa dalbanayay in Butafliiqa uu ka laabto go’aankaas, isbedalna uu ku sameeyo nidaamka dowlanimo ee Aljeeriya. 2-dii April 2019 ayuu iska casilay xilka madaxtinnimada.

Telefishinka qaranka ayaa xilligaas baahiyay madaxweynaha uu warqadda iscasilaadda ku wareejinaya gudoomiyaha senate-ka, Cabdulqadir Bin Saalax oo markii dambe noqday hogaamiyaha kumeelgaarka ah.

Markaas ayaa ugu dambeysay in shacabka Aljeeriya ay arkaan madaxweynihii soo xukumayay labaatanka sano.

Butafliiqa ayaa sanadihii la soo dhaafay ku noolaa guri caafimaadkiisa lagu ilaaliyo oo ku yaal caasimadda Aljeris.

Waxaa la filayaa in lagu garab aaso hogaamiyayaashii hore ee Aljeeriya oo xabaalahooda ay ku yaallaan caasimadda.

Bbc

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post