840 Views

Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhaweeyay Xeerka Saxaafadda

Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhaweeyay Xeerka Saxaafadda
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-27-2020
-Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhaweeyay xeerka Saxaafadda uu ansixiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana shalay ay soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay Galmudug qayb ka ahayn Xeerka Saxaafadda Qaranka, hadana ay Galmudug diyaar u tahay inaanay mucaaradin oo ay soo dhaweyneyso.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in maadaama duruufo dhowr ah ay jiraan muhiimna ay tahay in la helo sharci ay ku Shaqeeyaan bahda Saxaafada ay taageerayaan Xeerka la ansixiyay,isla markaana ay u arkaan howl la qabtay.

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafadda,waxaana maamulkii ugu horeeyay ee kasoo horjeestay uu noqday Maamulka Puntland, halka ay cabasho ka qabaan Urrurada Saxaafadda Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post