14193 Views

Fasiraada Mooshinka !

Fasiraada Mooshinka !
____________________________________________________________________________

[adrotate group=”1″]

Toronto | QOL | Aug 17, 2015 | Mooshinka xildhibaannadda baarlamaanku ka keeneen madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beryahaan doodiisu socotay, marka la eego dhinaca sharcigana lagu sheegay in xildhibaannadu xaq dastuuri ah u leeyihiin inay mooshin keenaan ama ha ahaado mid laga keenayo shaqsi xil haya ama heshiis uu maamulku galayba waxaa mar waliba uu ku yimaadaa ama daba jooga dano gaar ah iyo kuwo caan ah intaba. Mooshinkaan ugu danbeeyay ee laga keenay madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu yeelan karaa fasiraadyo badan.

ansaxa_wasirada_21
Bal hadaan caqligeeyga cabiro waxaan u gartay in mooshinkan xildhibaannada keenay ay isugu jiraan kuwo shaqsiyan ku jira ismuujin si gorgortanka lala geli doono danohooda ugu gaaraan, iyadoo ay ogyihiin in sida sharci yaqaanadu ku fasiraan aanay fududeeyn in madaxweeyne la rido, taasoo aysabab u tahay in hal hay’ad oo ka mid ah rukniyada ay dowladdu ku taagan tahay ay meesha ka maqan tahay taasoo ah hay’adii xalaaleeyn laheyd ama xaaraantinimeeyn lahayd dacwadaan ku socota madaxweeynaha.
Hadaba hadaan kala qaad qaado danaha xildhibaannadu ka leeyihiin Mooshinka, waxaan kuwooda ugu cadcad ka soo qaadan karnaa:

  • Waxaa dhawaanahan dhegaha dadka ku soo dhacayay in isku shaandheeyn golaha wasiirada ahi ay dhici doonto, waxaa hadaba jira xildhibaanno door ah oo raba in gorgortankooda mooshinku noqdo inay ka mid noqdaan xukuumadda cusub oo laga yaabo inay timaado mooshinka kedib, iyagoo mala awaalaya in xukuumada cusubi ku dhalan doonto hab heshiis lagula geli doono maamulka Ahlu Sunna si ay uga tanaasulaan gooni isu taagooda kuna biiraan GALMUDUG.

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_2

 

  • Waxaa xildhibaannada ka mid ah qeeyb kale oo mooshinka u taageersan hab mudaaharaad ah oo ay ku muujinayaan la safashadooda habkii ay uga xumaadeen codkii kalsoonida baarlamaanku kagala noqdeen maamul goboleedka Jubbaland iyo qayb kale oo caro ka qabta dhismihii maamulkii Galmudug kuwaasoo ah qeeybta ugu badan ee mooshinka taageersan.

 

  • Waxaa kaloo iyaga aad u cadcad qolo kale oo gorgortankooda ku raadinaya inay awoodda maamul goboleedka Hiiraan/Shabeelle noqdo kuwo hogaanka u qabta, kana soo horjeeda isku darida labadaa gobol iyagoo ka filayay dowladda Xasan Sheekh inay gobolka Hiiraan keligii u abaabusho inuu noqdo maamul goboleed gooni u taagan.

 

  • Waxaa kale oo jira xildhibaanno badan oo la yiraahdo ku nasiibso watana fikrado aan macno badan lahayn, laakiin qaab qabiil uga soo horjeeda Madaxweeynaha iyo beeshiisa hogaanka wadanka ku raagatay, saadaalinayana in bal ay dhici karto in shaqsi beeshan uu ka dhashay Madaxweeynahan maanta beel aan aheyn iman karo hadii uu isagu meesha ka boxo, qoladaani waa qolada ugu fudud ee lala geli karo heshiis xagga jeebka ah.

 

  • Waxaa ugu daran qolada shakiga weyni kaga jiro mustaqbalka 2016, kuna fekeraya inay dhici karto in muddo koorsi yimaado mar hadii aanan weli la dejin habka loo wajihi doono doorashada 2016.

 

  • Waxaa kaloo aan la inkiri karin qolada calooshood u shaqeeystayaalka ah ee qaska iyo fowdada jecel si ay u helaan hanti yar oo gacan qabsi ah.

xasan-sheekh-oo-careysan
Hadaba intaasoo nooc oo xildhibaanno ah oo aan isku ujeedo ahayn laakiin wada saxiixay mooshinka waa ay u fududahay madaxweeyne haysta 182 xildhibaan oo baarlamaanka ah kana soo horjeeda dacwadaan, codka kalsoonida looga qaadi karaana ay isaga taageersan yihiin baarlamaan isaga dhan ka kooban 275, laakiin waxaa welwelka ugu badan ee Madaxweeyne xilka haya qabi karaa yahay, in isagoo shaqada haya hadana baarlamaankii qaranka ay muddo ka doodi doonaan, waxyaabaha ay ku eedeeynayaana warbaahintu soo gudbin doonto maalinba maalinta ka danbeeysana ay dadweeynuhu maqli doonaan dacaayadaha sharcigu u fasaxayo ee ay madaxweeynihii qaranka ummadda horteeda xildhibaannadu ku qayaxi doonaan.

By Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment