675 Views

Nin saqafka sare ee gurigiisa iibiyay si uu madax furasho uga dhiibo wiilkiisa

Nin saqafka sare ee gurigiisa iibiyay si uu madax furasho uga dhiibo wiilkiisa
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Saidu Faskari oo ah nin beeraley ah oo ku sugan gobolka Katsina ee dalka Nigeria ayaa iibiyay saqafka sare ee gurgiisa si uu madax furasho uga dhiibo wiilkiisa oo gacanta u galay kooxaha dadka afduubta ee ka howlgala dalkaas.

Wuxuu ku iibiyay saqafka 100,000 lacagta Naira ee laga isticmaalo Nigeria, sida ay ku warrantay warbaahinta Premium Times.

Saidu ayaa go’aankan gaaray markii burcadda ay codsatay lacag madax furasho ah si wiilkiisa uu dib ugu helo xoriyaddiisa kaas oo ay kooxda qafaasheen bishii December.

Gobollo ka tirsan Nigeria waxaa ku batay weerarada ay qaadaan kooxaha dadka afduubta kuwaas oo hadda ka hor qaafashay ardey.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post