2631 Views

Dowlada Kenya Oo Berri Xuseysa Askartii uga Dhimatay Weerarkii Ceel Cadde.

Dowlada Kenya Oo Berri Xuseysa Askartii uga Dhimatay Weerarkii Ceel Cadde.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Dowladda Kenya ayaa diyaarineysa xuska Askartii uga dhimatay weerarkii Ceel Cadde ee lagu qaaday 15kii January  2016kii,xilligaas oo Askar badan looga laayay.

Al-shabaab ayaa subaxnimo weerar ku galay Ceel Cadde waxaana ay halkaas ku dileen Askar u dhaxeysa 160-200 oo Askari sida ay sheegeen baaritaanno kala duwan oo ay shaaciyeen hay’adaha dhinaca amaanka ah.

Dowladda Kenya waxaa ay ka gaabsatay in ay marna sheegto tirada uga dhimatay Ceel Cadde,waxaase ay sanad waliba u dhigtaa xus loo sameynayo Askartaas oo lagu sheegay geesiyaal u dhintay difaaca Kenya.

Qaar ka mid ah Askarta dhintay oo aan Raq iyo Ruux midna lahayn ayey ehelkooda wali ka sugayaan jawaab la xiriirta nooca go’aanka ay qaadanayaan.

Dowladda waxaa ay bixisaa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde oo la siiyaa qoysaskoodii sida in askartii noolyihiin,hayeeshee waaliddiinta Askartaas waxaa ay doonayaan in wax u kala caddaadaan.

Walaaca ugu weyn waxaa uu ka jiraa Askar wali nool oo Al-shabaab ay weerar kaas ku qabteen,kuwaas oo marba mid laga soo duubo muuqaal lana geliyo Internetka.

Benson Anunda,waxaa uu wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Jonathan Anunda,ku waayay weerarkii Ceel Cadde,dowladduna uma sheegin in wiilkiisa dhintay ama noolyahay.

Waxaa uu hadda ka wal walsan yahay in Dowladda aysan isaga ku casuumin xuskaas,maaddaama qoysaska wiilashooda dhinteen lagu marti qaado goobta lagu xuso.

Warbaahinta ayaa ku booqatay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Kijauri  Gobolka Nyamira,waxaa uu ka codsaday in aysan arrintaas waxba ka weydiin,waxaana uu u sheegay in uu is illowsiiyo.

Xitaa sawirka wiilkiisa ayuu ka fujiyay Guriga iyo meelaha kale ee xusuusta leh,waxaana uu wariyayaashii u tagay u sheegay in dowladda dhaqankeeda uu la yaabbanyahay.

Xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah,waxaana ay ka baqayaan Al-shabaab oo weerarro la mid ah kuwii hore fuliya iyaga oo ku aaddinaya weerarradii khasaaraha badnaa ee dhacay sida kii Ceel Cadde iyo kii Kulbiyow oo hal bil wada dhacay hayeeshee Sanad kala dambeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment