447 Views

Ruushka oo xabad joojin uga dhawaaqay magaalooyin ku yaalla Ukraine

Ruushka oo xabad joojin uga dhawaaqay magaalooyin ku yaalla Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruusha ayaa labo magaalo oo ku yaalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo inay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Dhinaca kale, qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay magaalada Kharkiv.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post