714 Views

13 Ruux oo loo xiray dilal ay geysteen

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Booliiska Uganda ayaa sheegay in 13 qof la soo xiray kaddib markii ugu yaraan lix qof oo u dhashay Suudaanta Koofureed lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla waqooyi galbeed dalkaas.

Xerada Rhino, oo hoy u ah 100,000 oo qaxooti ah, ayaa la weeraray kaddib markii nin xoolaley ah oo deegaanka u dhashay ay dhibaato u geysteen qaar ka mid ah qaxootiga Suudaanta Koofureed.

Milatariga ayaa la geeyay halkaas si xasiloonida loo soo celiyo. Uganda waxay martigelisaa in ka badan 1.4 milyan oo qaxooti ah.

Xiisadda u dhaxaysa qaxootiga Suudaanta Koofureed iyo bulshada deegaanka ayaa mararka qaar isku beddesha rabshad.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post