432 Views

Kooxda Dawladda Islaamka oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii shalay Masjidka oo ay ku dhinten 70 qof

Kooxda Dawladda Islaamka oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii shalay Masjidka oo ay ku dhinten 70 qof
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday masaajid ku yaal magaalada Kunduz ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa lagu dilay ugu yaraan 50 qof, sida ay saraakiishu sheegeen, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay ciidamada Mareykanka baxeen.

Waxaa la arkayay meydad ku daadsan gudaha masaajidka Saciid Cabaad, oo ay adeegsadaan bulshada Muslimiinta Shiicada ah ee laga tirada badan yahay.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay magaalada waqooyiga.

Kooxda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka masaajidka lagu qaaday.

IS-K, oo ah koox ​​ka tirsan ururka IS ayaa si weyn uga soo horjeeda Taalibaan oo dhawaan la wareegtay xukunka dalka Afghanistan.

Kooxdaan ayaa dhowr jeer qaraxyo ka fulisay dalka Afghanistan gaar ahaan bariga dalkaas.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post