576 Views

Hay’addaha Samafalka oo digniin kasoo saaray xaaladda Abaarta ee Geeska Afrika

Hay’addaha Samafalka oo digniin kasoo saaray xaaladda Abaarta ee Geeska Afrika
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Hay’adaha samafalka ayaa ka digaya tirada dadka ay soo foodsaarayso macaluusha ka jirta gobolka Geeska Afrika inay gaadhayso illaa 20 milyan oo qof, marka la gaadho dhammaadka bisha September ee sannadkan, haddii aan jawaab xooggan laga bixin abaaraha adag.

Digniintan ay soo saareen hay’adaha samafalku ayaa timi, iyada oo markii afraad oo isxigta ay gobolka ka di’i waayeen roobabkii la filayey. Gobolka Geeska Afrika waxaa ka jirta abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo ku siman 40 sano, waxayna sababtay inay dhintaan in ka badna 7 milyan oo xoolo ah oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Yuusuf Guure oo ka mida bulshada Soomaalida ah ee deggan gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu xaaladda abaareed ee jirta inuu ku waayey 294 neef oo adhi ah.

“Weligay maan arag abaar sidan u daba-dheeraata, abaar baabi’isay baadkii ama daaqsintii, oo keentay in xoolihii ay waayaan waxay quutaan” ayuu yidhi, isaga oo intaas sii raaciyey “Xaggee baad ka helaysaan lacagta aad ugu iibinayso, waxa ay quutaan [xooluhu] marka aanad wax shaqo ah haynin”.

Shashwat Saraf waa agaasimaha xaaladaha degdegga ah ee hay’adda IRC u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, wuxuu sheegay in bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay dareemayaan saamaynta daran ee abaarta, wuxuuna sheegay in malaayiin qof ay geeddi ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto iyo baad ay xoolahooda siiyaan.

“Waxaan aragnaa in 60% illaa 100% dadka qaarkood ay xoolo beeleen, taasoo ah tiirdhexaadkii bulshada, waxayna waayeen ishii ay kala soo bixi jireen nolol maalmeedkooda”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post