120 Views

Baarlamaanka JFS oo maanta mar kale ka dooday arrimaha Dastuurka

Baarlamaanka JFS oo maanta mar kale ka dooday arrimaha Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Kulanka 12-Aad ee wadajirka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe,waxa uuna kooramkiisa ku furmay 152-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah Iyo 28-Xildhibaan oo Golaha Aqalka sare ah taasoo wadarta guud ee guntanka ama Kooramka kulanka uu ku furmay ka dhigeysa 180-Xildhibaan.

Ajendaha Kulanka maanta waxa uu ahaa Dib-u-eegista Dastuurka,Marxlada labaad oo ah Ka Doodista Soo jeedimaha wax-kabadalka Dastuurka gaar ahaa cutubka koowaad op ka hadlaya baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa koowaad ilaa sagaalaad.

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo kulanka ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay dooda maanta ee dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubka koowaad,waxaana arrimaha aadka looga dooday ka mid ahaa in qoondada haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda in dastuurka lagu xuso Iyo Sidoo kale shaqada maxkamada sare Iyo tan dastuuriga ah.

Kulanka waxaa goob joog ahaa guddiga dib u eegsita Iyo la socodka hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal,guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Sidoo kale qubaro iyo qaar ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post