789 Views

Haji Mohamed Yassin “ Cudur la filaayey loo ma xauunsado.

Haji Mohamed Yassin “ Cudur la filaayey loo ma xauunsado.
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

 Cudur la filaayey loo ma xauunsado..

 Kursi Laaluush iyo nacalada Allah lagu kasbaday lagama filayn in lagu helo Tawfiiq, Wadajir iyo Horumar..

 Yaa gardaran Farmaajo iyo Rooble?

1. Farmaajo wuxuu khasaariyey 4 sano oo loo igmaday inuu:

– Dhamaystiro Dastuurka Qabyada ah,

– inuu dhiso Maxkamadda Dastuurka si aysan u dhicin Qalaalasaha Siyaasaddaa we dalkeena ragaadiyey..

– in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Codkiisa..

– inuu si fiican uga fiirsado qof uu u magaacabayo Ra’sal Wasaare.. isagoo eegaya Aqoontiisa, Waayo Aragnimadiisa iyo Daacadnnimadiisa..

– Madaxwaynaha waa inuu yahay Hoggaamiye deggan oo Sabur leh, fahmi kara sida looga dabaasho xiliyada adag isagoo u turaya Dalka iyo Dadka..

 Hadaba, Maxaa Xal Ah?:

 Jaalle Madaxwayne , adigaa inoo keenay Khayre iyo Rooble, sidaa awgeed, waxay bi’yaan adaa masuul ka ah.. blame your self..

 Jaalle Madaxwayne, Madal Markhaati leh ayaad Rooble ku wareejisay Awoodihii Dawladda.. Pay your price..!

Jaalle Madaxwayne, Qadiyadda murugsan ee Ikraan Tahliil waxa masuul ka ah Kooxdaada .. Rooble ” Suudaanta” ma keenin.. !!

 Jaalle Madaxwayne, waxaad lumisay kalsoonidii Shacabka madaama aad fulinwaysay balamadii aad khaaratay, garabkaaga waxa ka baxay Qaybtii Fulinta ee Dawladda, Qaybtii Garsoorka, Maamul Goboleeyada, Murashaxiinta, Ururada Bulshada, Culimada, iyo Beesha Caalamka..

Jaalle Madaxwayne, waad ogtahay in aad Magacaabi karto Ra’isal Wasaare lakin aadan lahayn Awood Dastuuri ah aad ku ceeriso ama awoodda Rai’sal Wasaaraha aad ku xakamayso..

 Jaalle Madaxwayne, waxaad ogtahay in waqtigii laguu igmada kaa dhammaaday, fadlan Madaxaaga ka cesho CIIDDA, islamarkaa Dalka iyo Dadka badbaadi..

Ugu dambayn, Jaalle Madaxwayne, waxaa kuu soo jeedinayaa inaad raacdo qaabkii uu ku tanaasulay Madaxwayne Abdullahi Yussuf (AUN)

 Alloow markhaati ka noqo inaan walaalkay, Jaalle Farmaajo, u naseexeeyey..

 Alloow Somaali Tawfiiqda iyo Tubta Toosan waafaji.. Amiin

Qore:

Haji Mohamed Yassin

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post