849 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kasoo horjeestay guddiga uu xalay Magacabaay RW Rooble

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kasoo horjeestay guddiga uu xalay Magacabaay RW Rooble
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2020 –Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kasoo horjeestay guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u Magacaabay Arrimaha la xiriira doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare oo la ogeeysiiyay Madaxda wadatashiga doorashooyinka, Xubnaha Musharixiinta Baarlamaanka & Xilka Madaxweynaha & Beesha Caalamka ayuu uga soo horjeestay Guddigaas.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in aan laga warqabin wax talo ahna ku laheyn inta badan Siyaasiyiinta, Oday dhaqameedyada & Beelaha kala duwan ee Gobolada Waqooyi Xubnaha guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee uu xalay Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Qoraal guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxda Soomaaliya uu ahaa in ay Xubnaha guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee gobolada waqooyi inay soo gudbistaan Siyaasiyiinta dir Waqooyi, balse labadaba ay xuleen Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha.

“ Hadaba waxaan Golaha wadatashiga, daneeyayaasha Siyaasada iyo Beesha Caalamkaba u sheegeeneynaa in Madaxda talada heysa ay bedeleen dhaqankii Siyaasadeed ee lagu wada joogay, waxna lagu qeybsan jiray, isla markaana markii xiligaan oo kale la joogo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulaya doorashooyinka oo la rabay inay noqdaan kuwo dhex u ah daneeyayaasha Siyaasadda oo dhinac gaar ah soo xulan ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiye Cabdi xaashi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aan dhex dhexaad aheyn laguna kalsoonana karin Xubnaha loo xulay guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi & kuwa Heer Federaal oo ay soo magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in laga soo xulay, Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Ciidamada NISA.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ayaa ku baaqay in arrintaan la soo farageliyo dibna loogu soo celiyo talada iyo xulashada guddiyada doorashada Gobolada Waqooyi loona sameeyo maamul & nidaam ka madax banana faragelin siyaasadeed & mid Amni.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post