1224 Views

Axmed Madoobe oo magacabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha

Axmed Madoobe oo magacabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey macaabis cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Axmed Madoobe ayaa maanta Injineer Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in xal waara loo helo maareynta arrimaha qaxootiga dib u soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post