1962 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol.

xuska-1-da-luulyo-shacabka-4 xuska-1-da-luulyo-shacabka-3 xuska-1-da-luulyo-shacabka-2 xuska-1-da-luulyo-shacabka-1

.

.

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online – Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment