627 Views

Taliyaha Ciidamada xoogga Janeraal Odowaa oo gaaray Magaalada Belaledweyne ee Xarunta Gobolka

Taliyaha Ciidamada xoogga Janeraal Odowaa oo  gaaray Magaalada Belaledweyne ee Xarunta Gobolka
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 15, 2021

Taliyaha Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Belaledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ujeedka safarka Taliye Odawaa ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay sidii Saraakiisha Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad uu kala hadli lahaa la dagaalanka Al-Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo au ka howlgalaan Ciidamada qeybta 27aad iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maalimahii dambe siweyn loo adkeeynayay Amnigeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post