984 Views

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo su’aalo laga weydiinayo ka bixitaankii ciidamada Mareykanka Afghanistan

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo su’aalo laga weydiinayo ka bixitaankii ciidamada Mareykanka Afghanistan
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 15, 2021

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa maalintii labaad wajahaya su’aalo ay weydiinayaan xildhibaanada aqalka Congress -ka kuwaas oo la xiriira ka bixitaankii ciidamada Mareykanka Afghanistan ee soo gabagaboobay bishii hore.

Mid ka mid ah senetarada xisbiga Dimuqraadiga oo la yirahdo Bob Menendez ayaa sheegay in ka bixitaankii Mareykanka ee Afgaanistaan uu ahaa go’aan aad u liitay. Blinken ayaa lagu dhaleeceeyay go’aankii ay ciidamada mrayekanka uga tageen qalab milatari.

Wuxuuna ku adkeystay in qaladkaasi laga dhigay mid aan waxtar lahayn. Waxa uu difaacay waxa uu ugu yeeray dadaalka aan caadiga ahayn ee lagu daad -gureynayay muwaadiniinta Maraykanka iyo qaar ka mid ah dadka reer Afganistaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post