939 Views

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo qabtay Saraakiil iyo dagaal yahano katirsan Al-Shabaab .
Waxa uu sheegay xubnaha la sooqabtay in ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo abaabulan kuwaas oo Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo la geystay dilal qorsheysan.


Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray guddoomiyaha in xubnhaan muddo dheer lagu raad joogay balse ciidamada amaanka ay ku guuleeysteen ugu dambeen in ay gacanta kusoo dhigaan , Baaritaano kadibna sharciga la hor geyn doono.


Magaalada gaalkacyo ayaa dilal kala duwan loogu gaystay masuuliyiin ka kala tirsanaa Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo dad shacab ah, waxaana mas’uuliyada dilalkaas intooda badan sheegtay Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post