1731 Views

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Waxgaradka Cadaado Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Beeleedyada

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Waxgaradka Cadaado Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Beeleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 04 2019 —Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Cadaado ayaa marti qaad u sameeyay maanta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo waayahaan ku sugnaa Gal-mudug si ay u joojiyaan dagaallo dhex maray beelo walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha  XFS ayaa odayaasha Cadaado ee Marti qaadka  ugu sameeyay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Gal-mudug, waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka guul gaaridda dadaallada nabadda ee isaga wafdiga uu hoggaaminayo ay ku joogaan Gal-mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay baaqi kusii ahaanayaan  deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in marka ay soo af-jaraan colaadaha deegaannada Gal-mudug ee ay xallintooda ku jiraan in ay usoo jeesanayaan xal ka gaaridda is-faham waaga siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka maamulka Gal-mudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka  iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Sabriye ayaa waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha,  xildhibaan Cabdi kariim Khaliif iyo Taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment