3153 Views

Akhriso:- Sababtii Kenya Looga Soo Celiyey Diyaarad Uu Saarnaa Wasiir Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya

Akhriso:- Sababtii Kenya Looga Soo Celiyey Diyaarad Uu Saarnaa Wasiir Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 5, 2018 – Xalay ayaa la sheegay in Magalada Nairobi gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta laga soo celiyey Diyaarad ka baxday garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho taas oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar  Islow Ducaale.

Diyaarada oo aheyd  indian ocean ayaa dib loogu soo celiyey Magalada Muqdisho kadib markii  laga mamnuucay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta,waxana soo celistaas ka soo baxaya Warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada uu ka dhacsanaa Aqoonsigii ay ku Shaqeyneysay halka wararka qaar ay sheegayaan in aysan jirin wargelin ku aadaneyd in ay u safreyso Magalada Nairobi sidaasina lagu soo celiyey.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin soo celinta Diyaaradaha indian ocean ee laga soo celiyey Magalada Nairobi ee dalka Kenya,iyada oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment