543 Views

Midowga Yurub oo ansixiyay taageero dhaqaale oo loogu tala galay hawlgalka ATMIS

Midowga Yurub oo ansixiyay taageero dhaqaale oo loogu tala galay hawlgalka ATMIS
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 7, 2022

Guddiga Siyaasadda iyo ammaanka midowga Yurub ayaa ansixiyay taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo loogu talo galay hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Sannadkan 2022-ka, Midowga Yurub ayaa 120 milyan oo Yuuro ku dari doona taageeeradii dhaqaale ee uu siin jiray ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Taageeradan ayaa inta badan waxay gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ugu lug yeesho oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto xoojinta guulaha amni ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post