1530 Views

Muwaadin Soomaali ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta oo dagaal lagu dilay

Muwaadin Soomaali ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta oo dagaal lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muwaadinka Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu dilay Iska-horimaad ay Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Ciiddanka Dowladda Yemen ku dhex maray Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Ma’rib ee Bariga dalkaasi.

Muwaadinkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax Sheekh Daahir waxaa la sheegay in Khamiistii la soo dhaafay ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku aaseen Qabuuraha Degmadda Al-Khamsiin ee ka tirsan Caasimadda dalkaasi ee Sanca.

Telefishinka Cadan TV ayaa waxa uu baahiyey Muuqaalka rag Soomaali ah oo caddaynaya Muwaadinka Soomaalida ee lagu dilay dagaalkaasi.

Twitter-ka Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Dowladda Yemen, Mucamar Al-Eryaani ayaa la soo dhigay Muuqaalka.

Dhinaca kale, Toddobaadkii hore ayey ahayd markii uu Askari ka tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta uu si xaq-darro ah uu Muwaadinka Soomaaliyeed ugu dilay magaalladda Sanca.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa, halka Gacan-ku-dhiiglihii ka tirsnaa Kooxda Xuutiyiinta ee dilka geystay magaciisa lagu sheegay Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi oo 32-jir ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post