915 Views

Senator Dhagdheer “ Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye

Senator Dhagdheer  “ Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

 Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada Galmudug iyo dagaalka haatan ay abaabulayaan Ahlu-Sunna, waxa uuna eedayn kala dul dhacay hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

 Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer ayaa sheegay in Ahlusunna aysan u socon dagaal balse ay rabaan in ay Xil ku raadiyaan Xoog, waxa uuna ugu baaqay in ay Hubka soo wareejiyaan.

Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maadama ay tallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post