963 Views

Dad farabadan oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Gobolka Hiiraan

Dad farabadan oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 1, 2021Dhaqaatiirta Caafimaadka degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen kiisaska Cudurka COVID-19 ee laga diiwaangeliyay degaankaas oo la sheegay inay dad badana ugu dhinteen.

Dr Cumar Saney oo kamid ah Dhaqaatiirta Gaartay Degmada Farlibaax ayaa sheegay in degmada ay ku dhinteen 11 Ruux, kuwaas oo badankood lagu arkay caalamadaha Cudurka COVID-19.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay degmada ka billaabeen baritaanka Cudurka COVID-19, isla markaana 13 qof ee laga baaray cudurka laga helay2 Ruux, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo lagu arkay calaamadaha COVID-19.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay wadaan dadaalo ku aadan sidii dadka kunool degmada Farlibaax u heli lahaayeen Xarumo lagu latacaalo dadka laga helo Cudurka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan.

Degaano iyo degmooyin kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa dad badan ay ugu dhinteen Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 halka dad kale oo badan ay la jiifaan.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post