762 Views

Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool.

Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo  taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool.
____________________________________________________________________________

Axad: July 18 2021

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool.

Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa G/sare Aadan Maxamed Cabdi loogu magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool.

Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash

Garoowe: 18 July 2021: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Wuxuu u magacaabay:-

G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post