798 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo shan qof ku dhaawacay dalka Talyaaniga.

Muwaadin Soomaaliyeed oo shan qof ku dhaawacay dalka Talyaaniga.
____________________________________________________________________________

 Axad: September 12, 2021

Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay shan qof ku dhaawacay weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Rimini, oo ka tirsan gobolka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga, sida ay qortay jariirada Corriere di Bologna.

Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa ku safrayay tikidh la’aan isagoo saaran bas ka yimid Riccione kuna socday Rimini.

Wuxuu markii hore mindi ku weeraray laba haween ah oo hubinayey tikidhada ka dibna wuxuu dhaawacay saddex qof oo rakaab ahaa oo uu ku jiray wiil 5 jir ah, ka hor inta uusan ka degin gaariga.

Booliska ayaa xiray eedeysanaha kadib markii uu isku dayay inuu cagihiisa ku baxsado.

Sida laga soo xigtay Corriere di Bologna, eedeysamaha ayaa u muuqda inuusan wax xiriir ah la lahayn ururada argagixisada ama xagjiriinta. Waxayna Baarayaashu hubinayaan inuu isticmaalayay maandooriye.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa dhowaan yurub yimid wuxuuna dhowr bilood ka hor dalbaday qaxootinimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post