561 Views

Cumar Filish Oo Mar Kale Digiin U Diray Dadka Ku Hawlan Ka Ganacsiga Maandooriyaha

Cumar Filish Oo Mar Kale Digiin U Diray Dadka Ku Hawlan Ka Ganacsiga Maandooriyaha
____________________________________________________________________________


khamiis: March 10, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Heliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha degmooyinka, Agaasimayaal, culima’udiin iyo ururrada bulshada Rayidka ayaa goob joog ka ahaa goobta munaasabadda looga hadlayay ololaha wacyigalinta ka hortagga Maandooriyaha, iyadoo qeybaha kala duwan ee goobta ka hadlay ay si wada jir ah u tilmaameen dhibaatada ay leedahay isticmaalka Maandooriyaha.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay qatarta balaaran oo uu bulshada iyo xasiloonida Caasimadda ku haayo isticmaalka Maandooriyaha, waxaana uu laamaha amniga faray inay xoojiyaan ka hortagga maandooriyaha, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cidkasta oo isticmaaleysa Maandooriyaha

Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post