1029 Views

Weerar dad lagu diley oo ka dhacay Itoobiya

Weerar dad lagu diley oo ka dhacay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 27- 2020–Suuq weyn oo ku yaalla Deeganka Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay 5 qof oo hal beel ka soo wada jeeda.

 

Guddoomiyaha degmada Baatii ee deegaanka Cafrta ee dadka lagu la dilay Maxamed Cabdi oo BBC u warramay wuxuu sheegay dadka la dilay iney ahaayeen dad suuqa ka adeeganayey oo shacab ah balse aana qabiil loo dilay.

 

 

 

Wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay dadka la dilay dhammaantood iney ahaayeen dad ku noolaa degmada Baatii.

 

Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 waxay sida oo kale ay dhaawacyo culus u geysteen 2 qof oo kale, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka degmadaasi.

 

Dilka oo ka dhacay suuqa bartankiisa waxa raggan loo laayey ayuu yiri Mr Maxamed aana qabiil oo u dhaxeysay qowmiyadda Cafarta iyo Qowmiyad kale oo uu dhawaan degmadu dagaal ku dhex maray.

 

Ragga weerarka gestayna waxaa la sheegay iney ka socdeen qowmiyadda Cafarta.

 

Meydadka dadka shacabka ee la laayey waxaa goobta dilka uu ka dhacay ka soo saaray ciidamada gaashaandhiigga ee dowladda dhexe iyada oo dhammaan dadkii dhintayna la aasay.

 

Ilaa iyo hadda ma jirto cid faldambiyeedkaasi ay booliska u soo qabteen, hase yeeshee ay maamulka degmada iyo hoggaanka ka sarreeya ee deegaanka Cafarta ay ka wada hadleen sidii dhibaatada dhacday wax looga qaban lahaa balse ay weli xal la taaban karo gaarin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment