1125 Views

Shacabka magaalada Awdheegle oo wajahaya xaalad Beni’aadanimo iyo gargaar ay waydiisteen maamulka K/Galbeed

Shacabka magaalada Awdheegle oo wajahaya xaalad Beni’aadanimo iyo gargaar ay waydiisteen maamulka K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Dadka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose ayaa wajahaya xaalad adag oo biyo la’aan ah, ka dib markii uu guray webiga oo ay inta badan ku tiirsanaayeen shacabka halkaasi ku nool.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle, Saalax Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadku ay haatan isticmaalaan dacda uu midabkeedu is beddelay dabadeedna ay miiraan, wuxuuna maamulka Koofur galbeed ka codsaday in lala soo gaaro biyo, maadaama biyuhu ay muhiim u yihiin nolasha aadanaha.

Xildhibaan , Nuur Siidoow Baabba oo ka mid xildhibaannada kasoo jeeda Awdheegle ayaa sheegay inay halkaasi ka hirgelin doonaan ceel biyood, wuxuuna jaaliyadaha iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Alle hantida siiyay faray in ay gacan ka geystaan gurmadka shacabka ku nool Awdheegle.

Mudane, Siidoow ayaa sidoo kale Wasaaradaha ku shaqada leh ee maamulka Koofur galbeed ka codsaday inay nadiifiyaan kana saaraan qashinka halka uu maro Webiga iyagoo ka faa’iideysanaya inta uu biyo la’aanta yahay, si uusan u keenin dhibaatooyin dambe xilliyada uu fataho Webiga Shabeelle

By:Mulki Cabdi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post