1809 Views

Maraykanka oo Ukraine ugu deeqaya hub qiimihiisu gaadhayo illaa $1 Bilyan

Maraykanka oo Ukraine ugu deeqaya hub qiimihiisu gaadhayo illaa $1 Bilyan
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 9, 2022

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii shalay  ahayd inay dalka Ukraine ugu deeqi doonto, hubkii ugu badnaa ee si toosa loogu dirayo dalkaas, xilli Ukraine ay isu diyaarinayso inay ka hortagto weerarada uga imanaya dalka Ruushka ee ka socda Koonfurta dalkaas.

Hubka iyo saanadda kale ee Militari ee loo dirayo dalka Ukraine ayaa ku kacaya illaa $1 Bilyan oo dollar, waxaana hubkaasi isugu jiraa, gantaallo, rasaas iyo saanad kale, kuwaas oo laga soo ururiyey kaydka wasaaradda difaaca Maraykanka.

Shixnadda cusub ee hubka ee Maraykanku ugu deeqayo dalka Ukraine ayaa sii xoojin doontaa awoodda ay Ukraine u leedahay inay iska caabbiso weerarada uga Imanaya dalka Ruushka, waxaana dadka ka faallooda arrimaha dagaalku ay sheegayaan in marka ay Ukraine ay hesho hubkan, inay awood u yeelan doonto inay qaabayso habka dagaalku u socdo, isla markaana ay yeelato awood ay saamayn ugu yeelan karto guusha ay gaadhayso furimaha dagaalka.

Kyiv ayaa dedaal ugu jirta inay dib u riixdo ciidamada Ruushka, kuwaas oo ay maalmihii ugu dambeeyey dhex marayeen dagaallo culusi.

Wakaaladda Wararka ee Associated Press

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post