201 Views

Diiwaangalinta doorashooyinka Puntland ayaa dib looga bilaabay gobolka Nugaal

Diiwaangalinta doorashooyinka Puntland ayaa dib looga bilaabay gobolka Nugaal
____________________________________________________________________________

: February 13 , 2023

Gudiga ku meel gaadhka ah ee doorashooyinka ee dawlad goboleedka Puntland ayaa laba degmo oo ku yaal gobolka Nugaal ka bilaabay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dawladaha hoose.

Shalay ayay Burtinle iyo Dangoroyo ka bilaabantay hawshaasi, hase yeeshee waxa jirtay in todobaaddo ka hor khilaaf u dhexeeyey maamulka iyo siyaasiyiin mucaarad ahi ka taagnaa isla hanaankan markii la damcay in magaalada Garoowe laga bilaabo oo khilaaf xoogani ka dhashay.

Hadaba ma khilaafkii baa la xalliyey oo sahlay in hawsha mar kale laga bilaabo Nugaal mise gudidu waxay ku adkaysteen in iyada oo aan weli xal la gaadhin ay hawshii sii wadaan?

su’aalahaas iyo kuwo kaleba waxaa ka jawaabaya gudoomiyaha gudida ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post