735 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukun riday

Maxkamadda Ciidamada oo xukun riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 21 2021–Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukun Dil ah Ku ridey askari ka tirsan Ciidmada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Askariga ayaa waxaa lagu Magacaabaa eedeysane Madani Cabdi Maxamed Cali oo 25-sano jir ah kana tirsan Rugta Booliska ee Hareera Kaadiyow Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana 18/1/2021 ku dilay Xabad AK47 ah Sajuuda kaga dhuftey Shamso Nuur Ibrahim halkaasina ay Ku geeriyootey.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in askariga lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida qeybta 60aad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Askar iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo kala duwan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post