645 Views

Cali Yare “Gefkii ka soo yeeray Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray Maxkamad ayaan gaynay Dacwad ka dhan ah Buurmadow

____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 202

Saacado kadib markii ay soo shaac baxday Hadalo ka caraysiiya dadka Muqdisho oo uu jeediyay Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow  ayaa waxaa arintaas ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan.

Cali Yare   oo ka mid ah maamulka  gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xiro.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xiro Buurmadoow.

“Gefkii ka soo yeeray Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yiri Cali Yare.

ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dacwadda ka furay Cali Yare.

Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin beeshiisa isla markaana ku tilmaamay ‘dowlad aanan lagu tartamin’

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post